Maxaad ka Taqaan Cummaan?          

 

M A X A A D   

K  A

T A Q A A N   C U M M A A N ? 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxaad Ka Taqaan Cummaan?

 

August 07, 2007

Maxamed Foore

 

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

 

Waddanka Cummaan wuxuu ku yaal Koonfur galbeed ee Qaaradda Aasiya.waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 3,200,000 qof (saddex Milyan iyo Labo boqol oo kun oo qof).

 

Waa waddan taariikh dheer leh soona maray marxalado iyo maamullo kala duwan.

 

Waxaa ka jirta Boqortooyo fac-weyn. Diin ahaan waa Muslimiin hase yeeshee inta badan dadku waxay haysataan Mad-habta la yiraahdo “Ibaadi” – walow inta badan degaanka koonfureed waa gobolka Dufaar ah uu yahay sunni weliba shaaficiya ah. Waana degaanka Soomaalida deggan yihiin.

 

Ibaadi waa mad-hab la odhan karo waxay u dhaxaysaa Sunniga iyo Shiicada; mid kastana waxyaalo ayey la wadaagataa.

 

Waddanka Cummaan waxa uu la wadaaga waddamada carabta isticmaalka qabiilka ku dhaqankiisa iyo weliba ku faankiisaba.  

 

Inkasoo waddanaku hodan yahay haddana waxaad ku arkaysaa astaamo badan oo saboolnimo jirta muujinaya..inkastoo aanay jirin dad tuugsadaa haddana waad arki dad nolol hoose ku nool, haba u badnaadeen dadka madow.

 

Dadku waa dad dhaqanka aad ugu adag; ixtiraamka dadka waaweyn, salaanta aan la isla dhaafin, is waraysiga, wax wada cunka.

 

Dadkooda reer magaalka ahi waxay xidhaan Qamiis iyo duub. Carbtuna sida ay u toshaan qamiisyada waa kala duwan yihiin oo kan Emaartiyiintu wuu ka duwan yahay qaabka tolmada kan Cummaan, kan Sacuudiya, kan Kuweyt iwm. Sidoo kalena duubabkoodu way kala duwan yihiin.

 

Waxaad ku arkaysaa magaalada nin feedho qaawan oo macawis gashan  toorrey weyni u xidhan tahay oo qori sita. Kaas oo laguugu sheegayo dhaqankii asalka ahaa ee reer baadiyaha(badowda).  Hubku dadka shacabka ah waa ka mamnuuc marka laga reebo qoriga hal-keliyaalaha ah ee dhaqan ahaan loo haysan jirey.

 

 

Labbiska Dhaqanka nasalka ah ee badwda Cummaan

 

Somalidu sida la caddeeyey waxa ay waddanka Cummaan soo galeen bartamhihii qarnigii 18aad. Waxaad arki karaysaa oday 70 jir ah oo awoowihiis isagoo 20 jir waddanka soo galay. Waxayna ka mid yihiin qabaa’ilada laga aqoonsan yahay waddanaka. Ula ma jeedo Soomaali ahaan  ee qabaailada Somali ay ka sii yihiin ayaa ugu qoran warqadahooda aqoonsiga , sida Cali sulaymaan,  Dishiishe ,  reer Cumar,  Siwaaqroon. Warsangeli Isaaq, cismaan Max’ud, Ddhulbahante.(sida ya u kala horreeyaan ayey u kala badan yihiin) Intooda badanina waxay ku nool yihiin magaalooyinka Salaalah iyo Mirbaad, ee Gobolka Dufaar.

 

 

 Bartamaha magaalada Salalah (Gobolka Dufaar)

 

Haddii aad magaalada dhex martid waxaad arkaysaa meelaha qaarkood sida xaafadaha  dukaamada(deli) yar yarka ahi ka furan yihiin Magaca iyo qabiilka qofka dukaanka is kaleh. Taas oo aad arki kartid magcyo qabaa’illo somaliyeed oo aad garanaysid.

Eeg sawirkan Hoose:

 

 

Beyt Dishiishah(qabiilada Dishiishe)

 

Soomaalidu waxay waddanka ku soo galeen siyaabo kala duwan: sida ganacsi, Doonyo la lumay, shaqo tag, qaraabo raac, dambiiile baxsaday…

 

Wakhtiyadii hore Soomaalidu waxa ka shaqasan jireen geedka xijiga oo aad ugu badan waddanak gaar ahaan Gobolka Dufaaar.

 

Geedka xijigu wuxuu sidoo kale  aad ugu badan yahay gobolada Bari iyo Sanaag gaar ahaan silasiladda golis oo Cal-madow iyo Cal-miskaad Soomaalidu u taqaanno. Sidaa daraadeed marka ay yimaadaan gobolka dufaar wax dhibaato kalama kulmi jirin gurashada iyo ka shaqaynta xijiga, waxaaba ay uga aqoon badnaayeen dadkii carabta ahaa ee deganaa degaanka.

 

Soomaalidii u horreysay  waxa ay soo degeen buurha Salaalah; waxayna la degeen Qabiilka Banii caamir la yiraahdo. Ogowna Cummaaniyiintu sida ay la wadaagaan Carabta kale iyo Soomaalidaba degaanka waa la kala leeyahay, oo reerba meel ayuu leeyahay, waxayna leeyihiin Sheekh(Garaad/Ugaas) u madax ah iyo la taliyeyaal.

Reer kastaan degaankooda iyagaa ilaaliya.

 

 

geed Xiji (maydi)

 

Markaa Soomaalidu maadaama ay dad yar ahaayeen inkastoo ay hub wacan haysteen sida la sheegay uma suurto gelin in ay dhul  u gaar ah yeesheen. Waxayse ku guulaysteen in loo ictiraafo dad qabiiliyiin ah oo laga guursdo lana guursado. Waxayna leeyihiin madax dhaqameedyadooda(Sheekh) u gaar ka ah.

 

Malaha dad reer baadiya ah wakhtigaan hadda, guryo waaweyn iyo shaqooyin fiicanba way hayaan. Intooda badanina waa dad wax haysta.

 

Inkastoo dadku aanay mar wada iman oo ay jiraan Soomaali 60maadkii yimid oo af-Soomaali ku hadlaa haddana dadkii wadanka ku dhashay iyo  waxa ay sii dhaleenba af-Soomaali ma yaqaannaan. Run ahaantiina inta badina haba u badnaadeen dhallinyaradee ma jecla in ay Soomaalida soo dhexgalaan. Qaarkood Carabta ka garanmaysid oo hooyooyinkood ayaa Carab ah balse Qabiilkoodii ma illaawaan oo Warqadda aqoonsiga ayuuba ugu qaran yahay(Teesaraha).

 

Marka taariikhda dib loogu noqdo waddanka Cummaan wuxuu ka mid ahaa waddamadii Carbeed ee qaybta libaax ka qaatay ka gancsigii dadka madow ee qaaradda Afrika. Waxayna caan ku ahaayeen  dilaalidda iyo soo qabashada dadka madow ay reer yurub Ameerika u qaadi jireen. Meelo badan oo waddanka ka mid ah ayaad ku arkaysaa xeryo waaweyn oo dadka madow lagu kala iibsan jiray.

 

Waddankana waxaa aad ugu nool dad badan oo asalkoodu Afrika yahay oo la lahaan jirey amaba aan idhaahdee Addoon ahaan jirey (Cabiid). Inkastoo Suldaanka waddanka hadda xukumaa uu muddo aan dheerayn xoreeyey. Iyadoo ay jirto in adduunka laga joojiyey addoonsiga dadka muddo ka badan 200 oo sano. Sida sharcigu dhigayana haddii aad qof madow ku tiraahdo Addoon (cabid) waa lix bilood xadhig ah.

 

 

 

Haddaba  waxaa is weydiin leh Soomaalida oo ahaa dad yar oo haddana Madow: iyaga ma la addoonsaday?  Arrinkaa qormada xigta ayaan ku soo qaadaynaa insha allaah.

 

Maxamed   Mooro@iprimus.com.au

Salalah, Dufaar, Boqortooyada Cummaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

                                              Roobdoon Forum            Back to Main Page