Infidel Fidel                        

 

I N F I D E L    F I D E L   

I Y O

G E E S K  A    A F R I K A 

 

March 01, 2008

 

Infidel Fidel

 

Keligii-taliye Mengistu

 

Raul Castro, Fidel Castro iyo Mengistu oo u dabaaldegaya Jabkii Soomaaliya

 ee dagaalkii 1977-1978.

 

 

 

 

Infidel Fidel iyo Geeska Afrika

Boowe Maxaa Kaaga Baxay?

 

March 01, 2008

 

Sidaadba ogtihiin bishii hore, maalintii taariikhdu ahayd February 19, 2007, waxaa xilkii Madaxweynanimo iska wareejiyey Fidel Castro oo xukunka dalka Cuba hayey muddo dhan 49 sano.  Waa wax lala yaabo Keligii-taliye [dictator] gartay in uu wadankiisa ka xukumin sariirta dusheeda, oo uu garowsaday in dalkiisa iyo dadkiisa u fiicneyn nin hawl-gab ah inuu u taliyo.  Hase yaashee, waxaa iyadana xasuusin mudan in Fidel Castro uu xukunka uga degay walaalkii ka yar, Raul Castro, oo muddo dheer ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ee Cuba.  Taasina ay micnaheedu tahay in Kacaan isku-sheegga Shuuciga (Communist) ee Cuba uu ku biyo dhurtay dhaxaltooyo sida nidaamka boqortooyada [dynasty].  

 

Waa wax dhif iyo naadir ku ah Qaaradda Afrika in la helo madaxweyne xukunka kaga dega caafimaad-xumi ama xitaa hawl-gabnimo uu garoowsaday madaxweynahaasi.  Haddaan tusaale u soo qaadanno madaxweynihii hore ee dalka Tunisia, Xabiib Burqiibah (Habib Burguiba), oo xukunka dalkiisa qabtay sannadkii 1957, hayeyna ilaa 1987, ayaa diiday inuu iskiisa isaga dego xunkunka.  Xabiib Burqiibah oo dhashay sannakii 1903, waxaa uu gaaray heer uu socodkii dhibay, indhihiisina laciifeen, hadalkana dhibay.  Markaas ayaa waxaa lagula taliyey inuu xunkunka ka dego, jawaabta uu bixiyeyna waxay ahayd: waa run wax saas uma arko, mana socon karo, laakiin wax waan maqlaa, oo dhagaheyga waa shaqeynayaan!  Ugu dambeyntii, Xabiib waxaa xukunka looga dejiyey arrimo caafimaad darteed, oo dhaqaatiirtiisa ayaa sheegay in uu yahay qof aan xilkiisa gudan karin oo uu bukaan yahay, walow uu isaga raalli ka ahayn in xukunka uu iska wareejiyo.

 

Marka waxaa la oran karaa Fidel Castro waa nin wadani ah oo u daneeyey dalkiisa, kagana degay xukunka si sharaf leh.  Amaantiisana waxay igaga egtahay intaasi, oo waxaan doonayaa inaan inta hartay maqaalka aan kaga hadlo eexashada uu Keligii-taliyaha Castro ka geystay Geeska Afrika, lana saftay dalka Ethiopia dagaalkii 1977-78, iyo xitaa dagaalka hadda ka socda Muqdisho ee la sheegay inuu yahay dagaal lagula dagaalamayo argagaxisada.

 

Kacdoon-ku-sheeggii Mengistu

 

Bishii September 1974, waxaa xukunka Ethiopia kala wareegay Boqor Xayle Salaase koox saraakiil ah oo isku sheegay inay yihiin Guddiga Maamulka Dalka ee loo yaqaanay Derg.  Saddexda ama afarta nin ee ahaa “Mastermind” ka inqilaabkan waxaa ka mid ahaa Mengistu Xeyle Maryam, oo xunkunka shirqool iyo gacan dhiig leh kula wareegay bishii Februray 1977, isagoo la sheegay inuu dilay ama uuba ka dambeeyey dilka General Tafari Benti (oo xukunka hayey November 1974 ilaa February 1977).

 

Durbadiiba waxaa soo baxday, markii Mengistu uu xukunka qabtay, in uu ahaa “Moscow’s man in Ethiopia”. Mengistu waxaa uu qaatay Nidaamka Shuuciyadda, waxa uuna heshiis dhinac walba ah la galay dalka markaa loo yaqaanay USSR/ ama Soviet-ka.  Taasi oo damacweyn gelisay Soviet-ka, kuna hammiyey in uu Geeska Afrika (Somalia, Ethiopia, iyo Djibouti oo markaa xorriyad qaadaneysay June 1977) iyo Yemen-ta Koonfureed ay hal dal oo Federal ah ay isku noqdaan.  Si taasi ay u hirgashana waxaa howshaasi loo xil saaray Infidel Fidel oo ahaa kalkaaliyaha, ama u-adeegaha aan niraahnee, USSR ee arrimaha Afrika.

 

Infidel Fidel iyo wafdi ballaaran oo la socdaa ayaa waxay u soo boqooleen dhinaca Geeska Afrika iyo Koonfur Yemen, bishii March ee 1977.  Lix iyo tobankii bishaasi ayaa Fidel Castro isugu keeny Mengistu, Siyaad Barre, iyo Saalim Rubayac magaalada Cadan, hordhigeyna qorshaha USSR, oo ahaa inay hal wadan laga wada dhigo Geeska Afrika iyo Koonfur Yemen.  Qorshahani waxaa ka caga jiiday Siyaad Barre, oo wuxuu ku dhammaaday shirkii mid fashil ah.

 

Fashilka shirkaasi ayaa waxay marmarsiiyo fiican u noqotay Mengistu, oo bilaabay inuu ku andacoodo in Shuuciyadda Ethiopia ay tahay Jasiirad ay ku wareegsantahay waddamo Carab ah oo dib-u-socod ah (reactionary), oo doonaya in Shuuciyadda da’da yar ee ka dhalatay Ethiopia la burburiyo.  Mengistu hadallada uu ku hadaaqay waxaa ka mid ahaa oo kale: Carabtu waxay doonayaan inay ka dhigaan Badda Cas (Red Sea) Bad Carbeed, annagana taa ka yeeli meyno.  Hadalladan waxaa u dhaga taagay Dalka USSR, oo run mooday.  USSR waxa ka hoos baxday in hadal la mid ah kaasi ay qarniyo boqortooyada Ethiopia ku caano maashay.  Menelik iyo Xeyla Salaase ba waxay oran jireen: Ethiopia waa Jasiirad Christian ah oo ay ku wareegsan yihiin cadow Muslim ah.  Taakuleynna ay kaga heli jireen reer Galbeedka (Western).  Reer Galbeedka iyo USSR ba waxaysan ogeyn ama iska indha tiraan in Ethiopia gudaheed ay dad yar ay gumeeystaan dadka dalkaasi deggan, oo ay Ethiopia tahay dal uu ka jiro Feudal System oo ah nidaam mar hore adduunka badankiisa ka tagey. 

 

Durbadiiba, dalka USSR waxay bishii May 1977 ku martiqaaday Moscow Mengistu, halkaasina ay u xaqiijiyeen Mengistu in Ethiopia ay tahay dalka ugu mudan taageero Geeska Afrika, ayna taageeri doonaan haddii la soo weeraro.  Dadka siyaasadda u kuur galaa waxay ku doodaan in safarkan Mengistu uu ku tagay Moscow ay badashay Siyaasadda USSR ee ku wajahan Soomaaliya; weliba ay arrintan ay u sii weheliso diidmadii Siyaad Barre uu diiday in uu ka mid noqdo Federal State kii uu Fidel Castro u soo bandhigay.

 

Nin La Daba Socdo waddo Ma Doorto

 

Siyaad Barre waxaa soo foodsaartay bartamihii 1977 marxalad adag oo waxaa u caddaatay in dalka USSR ay dhinaca kale u janjeersatay, welibana ay dalkiisa gudihiisa ay joogaan ciidan Ruush ah oo farabadan, saldhigna ku leh Berbera iyo Kismayo ba.  Wuxuu dareemay in Infidel Fidel Castro qorshihii uu ka diiday aan looga daba hareyn oo raadkiisa lagu daba taagan yahay ilaa laga takhalluso.  Siyaad Barre waxaa uu go’aansaday in uu dagaal la galo Ethiopia, illeen wuxuu ku sifoobay maahmaahda ah: Nin La Daba Socdaa Waddo Ma Doorto e.  Arrintan ah in aan laga hareyn waxay Siyaad Barre u sii caddaatay markii madaxweynaha USSR, N. V. Podgorny, uu booqasho ku yimid Muqdisho (April 1977), wada hadal aan miro ka soo bixinna wada yeeshay.   

 

Waa taan ka wada dharagsannahay dagaalkii 1977 bartamihiisa ka qarxay Geeska Afrika, oo Gobolka Soomaali Galbeed (Ogaden) ay gacanta Ethiopia kaga baxday wax ka yar lix bilood.  Bishii November bartamihiisa ee 1977 ayaa dowladda Soomaaliyeed xiriirkii iskaashi ee dhinac walba ahaa, lana saxiixatay USSR sannadkii 1974, ay jartay; kana codsatay khubaradii iyo diplomaasiyiintii USSR iyo Cuba in ay ka baxaan dalka, iyada oo weliba albaabada la isugu dhiftay safaaraddii Cuba ee Muqdisho ku lahayd.  Arrintan oo ay Soomaaliya sabab uga dhigtay in labada dal ay qorshaynayaan in ay Soomaaliya kaga soo duulaan dhinaca Ethiopia [1] – arrintan oo rumoowday bilowgii sannadkii 1978.  Jaridda ay Soomaaliya xiriirka u jartay Cuba, iskaashiigii USSR na ka noqotay waxaad mooddaa in ay ahayd arrin ay labadaa dal sugayeen ama dhararayeen, sababta oo ah waxay dalka uga baxeen si deg deg ah, wax dacwo ahna kama keenin aan ka ahayn xoogaa yar oo ganuunac ah. 

 

Reerkaan Doonayey Roob Igu Eri

 

Illeen waa dal la doonayo in laga aarsado e, USSR iyo Cuba waxay ugu carareen oo ay ugu gurmadeen Ethiopia si aan innaba caadi ahayn.  Ciidan iyo hub farabadan ayeey in ka yar saddex bilood  ugu daadgureeyeen, gurmaadkaasi oo ay khubarada ku xeeldheer xagga militariga ay u barbardhigeen kii dagaalkii labaad ee adduunka uu Ruushka suubiyey.  Si kale kuma garatid e, waxaad mooddaa in labadaas dal ku cararkooda Ethiopia aad moodid in ay tahay sidii “Reerkaan Doonayey Roob Ma igu Eryay” oo kale, iyagoo malaha maanka ku hayey in 70 million ee Ethiopian ka ah ay ka fiicantahay 8 million ee Soomaaliya.  Mise waxaan dhahnaa waxay u faruuryo qaniinsanaayeen sidii ay Siyaad Barre cashar lama illaawaan ah ugu dhigi lahaayeen!  Koleyba digdigta ka dhaceysay Infidal Fidel iyo Leonid Brezhnev ugama darin Ethiopia.   Waxay heshay fursad kale oo la mid ah kii ay heshay 1530s, markii boqorkii Bortiqiiska (John III) uu u soo diray boqortooyadii Abyssinia (Negus Lebna Dengel)  ciidan iyo hub ay isaga caabiyaan ciidankii Axmed Gurey oo qarka u saarnaa in uu xorreeyo dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalkaasi.

 

Infidel Fidel, oo markan u ficiltamayey sidii John III, ayaa u soo diray Ethiopia ciidan kor u dhaafaay 11,000, oo ay ku jiraan Pilots duqeyn xun ku suubiyey deegaannada soomaaliyeed [2].  Ciidammadan Cuban-ka ah oo ay weliba weheliyeen ciidammo ka kala socda USSR, East Germany iyo Koonfur Yemen, ayaa hal mar dagaal abaabulan ku soo qaaday Gobolka Ogaden, xoogna ku maquuniyey ciidammadii Soomaaliya.  Siyaad Barre waxaa qabsatay xaalad adag, wuxuuna mar dambe garowsaday oo tabartiisana u sheegtay in “xaq aan xoog wadani aan soo xero gelin”, isla markaasina uu caqligiisa u sheegay in “xoog haddii la waayo aan xeel la waayin”.  Sidaa darteed, bishii March ee 1978, ayaa Siyaad Barre go’aansaday in uu ciidammadiisa kala soo baxo Ethiopia, warbaahinta adduunkana ka sheegay in uu doonayo in si nabad ah oo wada hadal ah lagu dhammeeyo qadiyadda dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo ay Ethiopia gumeysato.   

 

Bishii April dhammaadkeedi ee 1978, muddo bil ka yar markii Soomaaliya isaga soo baxday dagaalka, ayaa Fidel ku martiqaaday Mengistu Havana.  Martiqaadkaasi oo ahaa mid ay labadaoodaba ugu dabaaldegayeen guushii ay ka soo hoyeen dagaalka.  Fidel Castro waxaa uu siiyey Mengistu billad sharafta ugu sarreysa Cuba, ee la yiraahdo Playa Gibon Medal.  Sidoo kalena Mengistu wuxuu ku martiqaaday Fidel in uu yimaado Ethiopia Bisha September ee 1978.

 

Castro oo si xooggan loogu soo dhaweeyey Addis Ababa,

September 17, 1978.

 

Castro iyo Mengistu oo u dabaaldegaya Jabkii Soomaaliya,

kuna daawanaya dhoolutus military Addis ababa.

 

Dabaaldegga Jabka Soomaaliya ayaa wuxuu socday in muddo ah, lagana dareemayey waddamada Reer Bariga ah (Eastern Block), iyagoo wafuud heer sare ah uu soo dirayey Addis Ababa.  Dabaaldegga ugu weynna waxa uu dhacay bishii September ee 1978, markii Fidel Castro uu soo booqday Ethiopia.  Fidel wuxuu daawaday dhoollatusad ciidan oo ay ku qabteen Addis ciidammada gaashaanbuurta ah ee Ethiopia iyo Cuba.  Fidel waxaa kaloo uu booqasho ku tagay Gobolka Ogaden, isagoo caleemo-ubax-sita dhigay qabuuro ku yaal Harar oo ay ku duugnaayeen ciidammadii Cuban-ka ahaa ee lagu dilay dagaalka.      

 

Wax Kastoo Af  Yiraahdo Laabta Ma jiraan

 

Fidel oo xukunka dalkiisa qabsaday sannadkii 1959, horseedna u noqday inqilaab u badaley Cuba dal Shuuci ah oo aan diin shaqo ku laheyn, ayaa waxaa uu meel kasto ka sheegi jiray in dalkii gacan saar la leh dalalka Reer Galbeedka sida Mareykanka uu ku sifoobayo dib-u-socod u adeega Imbiriyaaliyadda Caalamiga ah.  Waxaa intaasi u sii dheer in uu yiraahdo in dalkii habka Shuuciga qaataa uu weligii garab tagnaan doono. 

 

Laakiin waxaa rumoowday in Fidel uu laftiisa af (Lip Service) ka ahayd ka soo horjeedka dalalka Reer Galbeedka iyo xulufadoodaba.  Sidii uu u burburay dalkii la oran jiray Midowga Soviet-ka ama USSR, dagaalkii Qaboobaana (Cold War) uu u dhammaaday horrantii 1990-kii  ayaa Fidel midabkiisa runta ah la soo baxay.  Waxaa caddaatay in uu rabo in uu dhiso Saldanad qoys oo ay leeyihiin reer Castro.  Wuxuu Kacaan-ku-sheegiisa Shuuciga ahaa  uu ka dhigay dhaxaltooyo reer ay leeyihiin.  Waxaana hadda dhaxlay madaxtinimada Cuba walaalkii Raul Castro.

 

Waxaa intaasi dheer, in xiriirkii uu Ethiopia la lahaa ay weli socoto, walow Ethiopia ay hadda ahayn wadan ku dhaqma Shuuciyadda.  Waxaa wax lagu qoslo xitaa ah in Cuba ay ku biirtay wadammada dhinac socda Mareykanka ee ballanqaaday in ay la dagaalamaan “argagaxisada”.  Haddana Mareykanka uusan ka qaadin Cuba cunaqabateynta (embargo) uu saaray sannadkii 1960-kii.

 

Su’aasha la is weydiinayo waxay tahay Fidel ma wuxuu noqon sidii madaxdii sarsare (politburo) ee Reer Bariga (Eastern Block) oo markii Xisbiga Shuuciga ee USSR uu xukunkii ka dagey la soo baxeen waxay hoos ka aaminsanaayeen ee ahaa Christianity, xitaa qaarkood ay ahaayeen kuwa asal-raac diintaasi ah (fundamentalists)?  Dad baa waxay sugayaan, haddii Ilaah gaarsiiyo, sida Fidel loo duugi doono, in kaniisad la geyn doono meydiisa iyo in kale.  Koleyba Infidal Fidel hadalkiisa waxay ku dhurteen maahmaahda ah: Wax kastoo af yiraahdo laabta ma jiraan.  Howsha ay Cuba ka waddo hadda Geeska Afrika ma aha taakuleynta dalka Ethiopia oo keliya ee waxay qeyb libaax ka tahay ololaha George Bush ee la dagaalanka argagaxisada.

 

Ciil Yaxaas loo Qabo ayaa Webi lagu Uleeyaa

 

Sidii labadii daarood (Twin Towers) ee New York loo qarxiyeyba, waxaa madaxweynaha Mareykanka (George Bush) uu bilaabay olole uu ugu magacdaray “La dagaalanka argagaxisada”, uuna iclaamiyey in dalalka adduunka ay dhiniciisa la saftaan ama dhinaca argagaxisada ay ka mid noqdaan, wax u dhaxeeyana aysan jirin.  Sida aalaaba dhacdo, wax kasto uu wadanka adduunka ugu tun weyn uu yiraahdaa, dalal waxaa jiraa nacam durbadiiba la soo boodo, iyaga oo aaminsan fikirka ah Might is Right, ama haddaan halheys Soomaali ku sifeeyo ay tahay: Nin kaa xooq badan hortaa ayuu xanaaqaa.  Siyaasadda noocan ah ayaa waxaad moodaa in maanta dalalka loo yaqaan “Kuwa-soo-koraya” (Developing Nations) ay madaxdooda aad u isticmaalaan.  Gaar ahaan, waxaad moodaa in madaxda dalalka Muslim ka ah ay ku jiraan far-ku-gabbasho (oo ay gacan-ku-gabbasho soo dhaaftay arrintu); farna waad ogtihiin inaan lagu gabban karin.  Sababta gabbashada keentayna waxay tahay Huwanta Reer Galbeedka (NATO) oo hormuud u yahay Mareykanka ayaa maanta ugaarsi ugu jira waxay ku sheegeen Argagaxisada Caalamiga, saldhiggooduna lagu tuhunsanyahay in uu yahay dalal Muslim ah sida Afghanistan, Iraq, iyo Soomaaliya.

 

Ugaarsigan argagaxisada oo Mareykanka si xawli ah u bilaabay sannadkii 2001 dhammaadkiisa, ayaa ilaa hadda wax guulo oo la taaban karo aanan soo hoyin.  Xitaa nimanka ay ku tilmaameen inay hoggaamiyaan argagaxisada aan weli gacantooda soo gelin.  Guuldarradan muddada dheer qaadatay ayaa waxaa ay jallaafatay Geo-politics-ka Geeska Afrika, gaar ahaan labadii sano ee ugu dambeysay.  Fashilaadda siyaasadeed ee ku aadan la dagaalanka argagaxisada ayaa George Bush siyaasaddiisa ku soo biyo-dhuratay maahmaahda ah: Ciil Yaxaas loo qabo ayaa webi lagu uleeyaa.  Waxaad moodaa in Bush uu u qacan banneeyey hay’adaha Pentegan iyo CIA ba in ay sidey doonaan ka yeelaan dalal  badan oo Islaam ah ayna ku jirto Soomaaliya.

 

Siyaasaddan gurracan ee Bush ee salka ku haysa hadafka “Ciil Yaxaas loo Qabo…” ayaa waxaa ay u furtay albaab dalalka Cuba iyo Ethiopia.  Waa marka hore e, Fidel waxaa uu  oggolaaday in dagaalka argagaxisa-la-dagaalanka uu ka qeyb galo.  Wuxuu oggolaaday in Havana lagu qabto bannaanbax weyn oo loogu magac daray “anti-terrorism protest” bishii May 17, 2005.  Bannaanbaxaasi oo ay horseedayeen reer Castro ayaa waxaa ka mid ahaa: walaalkii Raul Castro; Raul wiilkiisa Alejandro Castro Espin; iyo Raul wiil uu awoowe u yahay, Raul Rodriguez Castro.  Marka waa iska caddahay in Fidel uu dhinaca Mareykanka uga soo jeestay dana isaga u gaar ah, oo ah in reerkiisa ay xukunka ku nagaadaan.

 

La shaqeynta Fidel uu la shaqeeyo Mareykanka intaasi kuma eka; waxaa dalka Cuba ilaa hadda khubaro xagga military ah ay ka joogtaa dalka Ethiopia oo lagu tiriyo camp-ka Mareykanka hadda.  Waxaa jooga Ethiopia khubaro kor u dhaafeysa 5,000 oo Cubans.  Ethiopia oo weli ciidammadiisa isticmaasha hubka Ruushka, oo aysan weli heysan ciidan dhameystiran oo ku dagaal geli kara hubka Reer Galbeedka.  Waxaa intaasi dheer, in arday gaareysa 3,500 oo Ethiopian ah ay hadda wax ku bartaan Cuba, ardaydaasi oo u badan kuwa ah ciidan [3].

 

Waxaa warar la huba ay sheegayaan in technicians iyo khubaradan ay joogaan xeryaha ciidammada Ethiopia sida Godey.  Waad ogtihiin in Ethiopia ay weli isticmaasho hubka culus oo ay ka mid yihiin T-55 Tanks, oo xitaa uu Mareykanka u fasaxay North Korea in ay ka iibiso Ethiopia.  Waxaad moodaa in Zenawi-ga  Ethiopia uu ku guuleystay in dalkiisa ay xiriir iyo iskaashi uu la lahaado seddexdaasi wadan (Cuba, USA, iyo North Korea) oo aan “International Arena”-ha la isku tusi karin.  Kaba sii daran e, waxaa la sheegayaa in dagaalkii December 2007, ay Ethiopia ku soo gashay Soomaaliya, ay si wada jir ah uga qeyb qaateen Ciidammo (technicians) Cuban ah iyo Ciidammo Mareykan ah (mostly Communication and intelligence staff). 

 

Waxa dagaalka Geeska Afrika ku mideeyey Infidel Fidel, George Bush, iyo Zenawi waa arrin u baahan in daraasad dheeraad ah lagu suubiyo – walow aan ogahay qaar ka mid ah akhristayaasha qaayaha leh ay la soo boodi doonaan jawaab la xiriirta xagga diinta, fasirkooduna uu noqon doona “dar-al-islam vs dar al-Xarb” line.  Koleyba dhinac Ethiopia, sida caadadaba u ahayd, weligeed ma illoowdo dalalka u soo gurmada ama ku caawiya isfidintooda dhulballaarsi, oo markii ay dhammadkii December-tii 2006 ay Muqdisho ciidamadeeda gacanta ku dhigeen, ayeey in muddo ah abaabul ugu jirtay ina ay u dabaaldegto, abaalmarrina u diyaariso dalka Cuba.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Cuba, Estaban Hernandez oo si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Wasiirka Gaashaandhigga ee Ethiopia, Kuma Demeksa, dabaaldeggii

Jabkii labaad ee Soomaaliya ee Addis lagu qabtay, December 16, 2007.

 

Sannad ka dib qabsashadii Muqdisho, dalka Ethiopia waxaa yimid December 16, 2007, madaxweyne ku xigeenka Cuba, Esteban Lazo Hernandez.  Waxaa loogu soo dhaweeyey Hernandez Addis si heer sare ah.  Waxaa lagu martiqaaday madaxweyne ku xigeenka in uu xarigga ka jaro oo uu ubaxyo dhigo Taallo loo dhisay askartii Cuban-ka ahayd ee ku geeryootay dagaalkii 1977-78 ee Ethiopia iyo Soomaaliya dhexmaray.  Taalladaasi oo laga dhisay bartamaha magaalada Addis, meesha loo yaqaan Arat Kilo, waxaa loogu magac daray “Victory Monument”.  Ciidammada Cuban-ka ee ku geeryooday dagaalkii 1977-78 ayaa la sheegay ina ay ahaayeen 163 [4]

 

Wasiirka Gaashaandhigga ee Ethiopia, Kuma Demeksa, ayaa munaasabaddii soo dhaweynta Hernandez ku sheegay in dowladda Ethiopia aysan weligeed illaaweyn ciidammada Cuban-ka ah ee naftooda u huray Ethiopia, kuna dhintay dagaalkii 1977-78.  Wuxuu Wasiirka kaloo uu sheegay in xiriirka Cuba-Ethiopia dhidibbada loogu asaasay derbi lagu dhisay dhiigga iyo hilibkii ciidammada Cuban-ka [5].  Dabaaldegga intaa kuma ekeyn, waxaa madaxweyne ku xigeenka iyo 13 ka mid ah ciidankii Cuban ka ee ka qeyb galay dagaalkii 1977-78 lagu martiqaaday Guriga “National Palace” ee Addis.  Halkaasina uu qaabilay madaxweynaha Ethiopia, Girma Woldegiorgis, wafdigii Cuba.  Girma waxa uu billado sharaf siiyey 13-kii askar, waxa kaloo uu siiyey madaxweyne ku xigeenka Cuba billad iyo abaalmarin gaar ah.  Waxaa munaasabaddaasi lagu xusay jabkii Soomaaliya iyo Guushii Huwantii Ethiopia la socotay ee “Eastern Block”.  Iyadoo weliba ay halkaasi uu ka dhacay ballanqaadyo kale.

 

Gunaanad: Boowe Maxaa Kuu Baxay!!

 

Waxaan si tafatiran kor ugu soo xusnay siyaasadda maanta adduunka ka jirta oo ah mid isbedel badan.  Waxaan aragnay in Geeska Afrika ay isku dhinac ka soo wada jeesteen Mareykanka iyo Cuba, oo taaageero hiil iyo hooba ay la garab taagan yihiin Ethiopia.  Haddana labada dal ee Cuba iyo Mareykanka ay kor uga muuqdaan in aan wax xiriir siyaasadeed ah lahayn.  Mise waxaan arrintan uga harnaa halkudhiggii Reer Galbeedka oo ah: Even enemies have something in common. Statecraft produces strange bedfellows”.  Haddii aan u leexdo murtida Soomaalida oo arrintan oo kale fasiraad ka bixisay, miyaan oran karnaa: “Boqol-u-taliye Boqol ul buu leeyahay”?

 

Mar haddii ay halheyntaasi ay dhab tahay, miyaan run ahayn markaa in Mareykanku oo maanta ku amar taagleeya Adduunka uu leeyahay ulo farabadan, oo weliba kale duwan?  Mar haddii aan aragnay Fidel Castro, waxaa xaqiiq ah in kuwa aanad ka filaneyn in wada shaqeyn Mareykanka uu ka dhaxeeyo ay jiraan.

 

Boowe sidee baa loo fasiraa kuwa yiri Addis ayaannu ku soo tukan ciidda, ayna na tuseen awoodooda inay noqotay in Muqdishi uu General Gebra qabsado isla ciidaasi?  Kaba sii daran e, kuwa lagu sheegay in ay list-ka argagaxisada ku jiraan sidee beey marba dal Carab ama Afrikaan ay si xor ah u booqdaan, la shiraan safiirrada Mareykanka ee Afrika u jooga, haddana afka kaga hadaaqa in lagu jihaado Mareykanka?

 

Boowe sidee bey kula tahay kuwa iyana isu haysta inay yihiin Usha keliya uu Boqol-u-taliyuhu (Mareykanka ama Ethiopianka) adeegsanyo?  Boowe ma ul aan laga maarmin oo aan jabin baa jirta?  Haddeey jirtana muxuu Boqol-u-taliyuhu uu boqol ul u sitaa?  Boowe armaan ka mid nahay ulaha keydka ah ee uu sito Boqol-u-taliyuhu?  Mise aa ila tahay!   Boowe waxaa la yidhi webi Shabeelle iyo Jubba ba Yaxaas lagama waayo e, goormaa uleyntan (ciil baxa ah) laga daynayaa webiyada?

 

Xigasho [reference]

 

[1] See The New York Times, November 5, 1977, “US State Dept estimates that 250 Cuban and USSR mil advisers are assisting…”

 

[2] See The Globe and Mail, March 30, 1978, “Leave war, Arab League urges Cubans”.

 

[3]See: http://www.biyokulule.com/view_content.php?articleid=805

 

[4] See: http://www.biyokulule.com/view_content.php?articleid=806

 

[5] See: http://www.biyokulule.com/view_content.php?articleid=804

 

 

Roobdoon Forum

Toronto, Canada

 

 

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Cuba oo Ubax dhigaya Taalada laga dhisay

Addis Ababa ee lagu xusayo 'Guushii" 1977-78, December 17, 2007

 

Madaxweynaha waxaa kaloo uu booqday taallo kale ee lagu xusaye iyadana

jabkii Fascist-ha Talyaaniga ka raacay Ethiopia.

 

Madaxweynaha Ethiopia, Girma Woldegiorgis, oo billado siinaya Askartii

Cuban-ka ahayd ee dagaalkii 1977-78 ka qeyb galay.

 

Madaxweynaha Cusub ee Cuba, Raul Castro, oo ka qeyb galaya bannaanbax

lagaga soo horjeedo Argagaxisada Caalamiga ah ee lagu qabtay Havana

May 17, 2005.

 

 

Cuban-Americans oo weli u haysta Fidel in uu yahay "Assassin" tuug ah

miyaa fahmi kara in Geeska Afrika uu Fidel dhinac taagan yahay USA.

 

 

 

 

                                              Roobdoon Forum            Back to Main Page