Qaylo Dhaanta Waaxay?                        

Ismaacii Cumar Geelle Ma Fahansana Qaylada ka soo Yeereysa macaamiishiisii hore ee Garoowe

 

Q A Y  L O   D H A A N T A   

W A A

M A X A Y ? 

 

F E B R U A R Y   0 6,  2 0 0 9

 

 

 

 

Qaylo Dhaanta Waa Maxay?

Yaa Reer Hebelooyda Run Ha Moodina

 

February 06, 2009

 

Maalmahan hadallada ka soo yeeraya  Garoowe waxa uu xambaarsan yahay dulucda  maahmaahda oraneysa “Caano waan jeclaa laakiin markay dameerro galeen baan nacay”.  Waxaan ula jeedaa, kooxaha horbooda Maamul Goboleedka Puntland waxa ay leeyihiin waan jecel nahay shirarka dib-u-heshiisiinta Soomaalida meel walba oo lagu qabtaba (ha noqoto Kenya ama Ethiopia), hasa yeeshee waxaan ka deyrinnaa shirarka wada hadalsiinta Soomaalida markii lagu qabto Djibouti.

 

Waxaan la soconnaa maalmahan in warbaahinta Soomaaliyeed iyo tan Caalamkaba ay qorayeen qeylo dhaan ka soo yeereysay Garoowe; taasoo hoosta ka xariiqaysay in aysan taageereynin dowladda lagu soo dhisay Djibouti, oo lagu soo doortay madaxweyne Sheekh Shariif.  Reer Garoowe waxay isla dhexmarayaan sheeko xariirta ah Djibouti waxay waddo waa qabyaaladeyn (“irirism”), oo weligeed dhexdhexaad kama noqon arrimaha ka taagan Soomaaliya.  Waxaa kaloo ay leeyihiin Shirkii Carte iyo kan hadda Sheekh Shariif lagu soo doortayba waa mid uu ka dambeeyey madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.  Sidaa daraadeed, horboodayaasha Puntland waxay na leeyihiin waa in Daarood meel walba uu joogaa uu ka biyo diido ‘dowlad-gacan-ku-rimiska’ ee Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Bal aan dib u yara jalleecno Sooyaalka “Riwaayadda” dowlad-u-dhisidda Soomaaliya ay soo martay 18-kii sano ee u dambeeyey.  Taageerayaasha Garoowe, kuwooda ugu taariikh yahansan aanba iraahdee, waxay mar walba xusaan in Mudane Ismaaciil Cumar Geele uu sannadkii 2000-ka uu Djibouti (magaalada Carta) ku soo farsameeyey ama dhoodhoobay dowlad “irir” ah; haddana uu sannadkan mid kale oo la mid ah taasi uu ku mashquulsan yahay farshaxankeedii oo hadda gabogabo maraya.

 

Haddaba, tii Carta waa aynu ka dharagsan nahay meeshii ay ku dambeysay iyo fashilkii ku habsaday, oo madaxweynihii Puntland ee waagaas, Cabdullaahi Yusuf, waa tii uu ka biyo diiday, diidayna inuu u aqoonsado Cabdiqaasin Salaad inuu yahay madaxweynaha Federal-ka Soomaaliya.  Waagaasi, waxay reer Puntland ku hadaaqayeen hadallo rajo go’ ay ku dheehan tahay ee la mid ah qaylo dhaanta maalmahan ka soo burqanaya Maamulka Garoowe.

 

Xaqiiqdu waxay tahay, marka caadifadda iyo ‘tolbeelayda’ aynu dhinac iskaga leexinno, mid ka duwan ganuunaca iyo saluugmada ka soo yeeray Maamulka Puntland.  Qaylo dhaanta waxay salka ku haysaa sad-bursi ama jago-raadis jiffo-hoosaad aanan ka quusan caqliga ah “Cad yahow ama ku cunay ama ku ciideeyey”. Waxaan taasi uga gol leeyahay, waawareydan “Yaa Daaroodeey” waa shaxdii SSDF (Somali Salvation Democratic Front) oo shaarka soo badalatay; kuna gorgortameysa magaca iyo sadkii beelaha dega Waqooyi Bari oo dhan – iyada oo aan ognahay wax qeybsiga Soomaalidu inuu ahaa in muddo ahba mid qabiil ku saleysan (4.5 Rule) ee aanu ahayn mid deegaan.

 

Sooyaalkii “Waran Ismood-yada”

 

Bishii December 30, 1990 ayaa ururka USC (United Somali Congress) dagaal lagu hoobta oo lagu ridayey dowladda ka dhex bilaabay magaalada Muqdisho. Ururka USC oo ay isku bahaysteen beel-weynta Hawiye, degaan ahaanna ku xoog badan Muqdisho iyo hareeraheeda, waxa ay ku guuleysteen in ay bil gudaheed ka fara maroojistaan Xukuumaddii Siyaad Barre gacan ku haynta magaalada Muqdisho.  Maxaasa ka dambeeyey xukun maroorsigan?

 

Ururka USC waxa uu ahaa kan ugu da’da yar saddexda urur ee ugu horreeyey ee ku jabhadeeya Xukuumaddii Siyaad Barre.  Labada kale oo kale ahaa SSDF oo la aasaasay 1979 iyo SNM (Somali National Movement).  USC waxaa aasaasay Cali Maxamed Wardhiigley, sannadkii 1988, kuna aasaasay magaalda Rome.  Cali Wardhiigley oo muddo saddex sano (1984-1987) ahaa guddoomiye ku-xigeenka ururka SNM  ayaa laga soo eryey ururkan, maadaama uu ahaa urur hadafkiisu iyo udub-dhexaadkiisu yahay beesha Isaaq.  Caradii uu ka soo qaaday SNM ayaa sabab u noqotay in USC abuuranto.  Hase ahaate, waxaa SNM ku haray kooxo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Hawiye, gaar ahaan Habar Gidir.

 

Cali Wardhiigley waxa uu geeryooday April 1990, waxaana durbadiiba hoggaanka USC loo magaacabay Dr. Ismaaciil Jumcaale Cosoble.  Ayaandarro se, Ismaaciil Jimcaale waxaa uu isagana geeryooday labo bil ka dib (July 1990).  Waxaa markaa ka dib hoggaanka USC la wareegay waxa loogu yeeray “Guddiga Fulinta” ee USC, oo ay ka mid ahaayeen Cali Mahdi, Xuseen Xaaji Bod, Axmed Maxamed Darmaan, iyo Maxamed Nur Galaal.  Hoggaanka guddigan ayaa u horseeday ururka USC inuu u xuubsiibto urur qori caaraddiis wax ku raadiya (guerrilla force).

 

Waxaa iyana xasuus mudan in sannadkii 1990-ka uu soo ifbaxay garab kale ee ururka USC, uuna horboodayey General Maxamed Faarax Caydiid.  Garabkan USC ayaa  heshiis iskaashi dhinac walba ah la galay ururada SNM iyo SPM (Somali Patriotic Movement) – waloow heshiiskaasi uu noqday mid hal bacaad lagu lisay ka dhigan.

 

Markii Siyaad Barre uu ka baxay Muqdisho, dhammaadkii January 1991, waxaa durbadiiba loollan siyaasadeed iyo mid ciidan oo gacan-ka-hadal ah iskaga horyimid labada garab ee USC, oo ay kala hoggaaminayeen Cali Mahdi iyo Caydiid.  Bilo gudaheed waxaa lagu dilay Muqdisho shacab kor u dhaafaya 5,000, boqolaal kunna way ka carartay.  Meeshii laga filayey in hadafka USC uu noqdo mid xukun-doon ama isbadel-doon ah, waxaa maleeshiyadii USC ay ku dhaqaaqeen xasuuq ku saleysan isir nacayb.  Waxaa si xun loogu gumaaday Muqdishu iyo nawaaxigeedba dad shacab ah oo aan waxba galabsan, kana soo jeeda bahweynta Daarood.  Xikmaddii iyo hadafkii USC oo dhan waxay isugu biyo shubatay maahmaahda ah “Nacas waran sitaa, waran buu ismoodaa”.

 

Hawo iyo Hoos Galbeedba Midna lama Gaaro

 

Horaa loo yiri hawo iyo hoos galbeed midna lama gaaro e, aynu falanqeyno damaca saldanad-doonka ah iyo dhacdooyinka soo taxanaha ee ururka SSDF, oo hayb ahaan ka soo jeeda dad ku abtirsada beesha Majeerteen ee deegaanada Waqooyi Bari (haddana  loo yaqaan Puntland).  Bishii January 1991 bilowgeedii, oo ahayd waqti dadka ku abtirsada beesha Daarood lagu ugaarsanyey Muqdisho, ayaa waxaa wareysi siiyeey BBC, laanteeda Focus On Africa, Dr Xasan Cali Mire, oo markaa ka mid ahaa hoggaanka Sare ee SSDF.  Dr Xasan Cali Mire waxa uu si caddaan ah u sheegay in ay isku hadaf yihiin USC, ciidankiisana ay ka garab dagaalamayaan kuwa USC, si ay u dhammeystiraan xukuumaddii Siyaad Barre.  [ Halkan ka Akhri ].

 

Isgarabtaagga USC oo ay muujiyeen hoggaanka SSDF, waxa ay USC u fasiratay halhayskii ahaa “Dibiyahow, dan baan cawska ku siistaa”.  Hoggaanka Sare ee USC innaba ma muujin u dhaga nuglaan hadallada ka soo yeeraya SSDF, oo waxay maleeshiyadoodii si arxan la’aan ah u wateen dhacii, boobkii, kufsigii, iyo gumaadkii ay ku hayeen maatadii ee ka fursan weysay inay ka qaxaan magaalada.  Kaba sii daran e, USC waxay ku dhawaaqday dhammaadkii January 1991, dowlad uu madaxweyne ka yahay Cali Mahdi (Hawiye), ra’iisal waasare na loo magacaabay Cumar Carte Qaalib (Isaaq).  

 

Ilayn horaa loo yiri dadqal looma gurguurto, xaluulashadii ay SSDF ugu socotay in ay saldanad-wadaag la suubsato USC jilbo murux waxaan ahayn kama qaadin.  Waxaa durbadiiba afka furtay Dr Xasan Cali Mire oo u sheegay warbaahinta BBC in lagu deg degay dhisidda Xukuumadda [ Halkan Akhri ].  Dabcan waxa uu ula jeeday wareysigaasi in uu farriin ugu gudbiyo USC in jagada ra’iisal wasaaraha ay xaq u lahaayeen SSDF; ha yeeshee Cali Mahdi dheg jalaq uma siin saluugmadii ka soo yeertay hoggaanka SSDF.  Ka dar oo dibi dhal waxaa ku noqday dowladdii cusbayd ee Ra’iisal Wasaare Cumar Carte oo markii xilka loo dhiibayba, laba maalmood ka dib, uu BBC kaga cabaaday hadal dad badani ay ka qoslisiisay ama dhabanna hayn ku noqotay.  Taasoo ahayd,  isaga oo ka codsaday qof walba oo Soomaali ah meel walba uu joogaba in hubka uu soo wareejiyo; laguna soo wareejiyo jabhadaha SNM, USC, iyo SPM.  Waxaad moodaa in Cumar Carte uu majaxaabin hoose ku waday dowladdiisa oo uusan daacad ka ahayn xasilinta dalka.  Rajadii Cali Mahdi waxaa god dheer ku sii riday oo caqabad wax ku ool ah ku noqday garabka USC ee Caydiid horboodayey.  Taas ayaana kalliftay in shirkii Djibouti 1991 qasab ka dhigtay in abaabulkiisa uuba bilowdo bishii February.

 

Hawadii SSDF dib ayeey u soo noolatay, waxaa shir soconayey Feb 14-19 isugu yimid Galkacyo 97 xubnood oo ka tirsanaa ururkaasi.  Waxaana ka soo qeyb galay shirkaasi Maxamaed Abshir Muse oo ahaa hoggaamiyaha SSDF, isla markaana ahaa Wasiirka Qorsheynta iyo Dooxada Jubba ee dowladdi fadhiidka noqotay ee Cali Mahdi.  Shirkaasi waxaa lagu gorfeeyey sidii la isugu diyaarin lahaa shirka weyn ee Djibouti lagu qaban doono, iyo sidii ururkaasi u hanan lahaa labada jago ugu sarreeyso middood.

 

Gogolxaarkii Djibouti Conference 1991

 

Waxaa kaloo iyadana dardar hor leh gashay madaxweynaha Djibouti, Xasan Guleed Aptidoon, iyo wiilka uu adeerka u yahay, Ismaaciil Cumar Geelle, oo markaa ahaa Chief Staff/chef de cabinet kii Xafiiska Madaxweynaha.  Labadan nin waxay u baqooleen dhammaadkii bishii April ee sannadkaas carriga Maraykanka; iyagoo si taxadar leh u diyaar garoobaya, fasaxna ka soo qaadanaya Washington, si ay  u abaabulaan shirweynahaasi dib-u-heshiisiinta Soomaalida.

 

Kulankii Gogolxaarka ahaa ayaa Djibouti ka dhacay June 5-11.  Afarta Jabhadood ee kala ah SSDF, SPM, USC, iyo SDM (Somali Democratic Movement) ayaa ku soo xaadiray halkaasi.  Saddexda qodob ay isku afgarteen waxa uu ahaa in 1) shirweyn la isugu yimaado bil ka dib; 2) xabad joojin deg deg ah la suubiyo; iyo 3) in la dardar geliyo sidii Siyaad Barre  loo soo qaban lahaa, ama dalka looga saari lahaa inta shirweynaha soo socda aan la gaarin.

 

Waxaa kaloo xusid mudan, inta aan la gaarin shirweynahaasi lagu hanweynaa in Xasan Guuleed Aptidoon iyo wiilka uu adeerka u yahay ay talo hor leh ku dhalatay.  Waxay is tuseen in Jabhad ay u suubiyaan lafta Ciise ee ay ka dhasheen ee dega Waqooyiga Soomaaliya (Mamasaan Ciise).  Waxa ay abuureen urur cusub, uguna magaca dareen urur xoreeynta Djibouti ahaan jiray ee USF (United Somali Front), madaxna uga dhigaan, Cabdiraxmaan Ducaale Cali – waloow ururka uu si toos ah uga amar qaato Ismaaciil Cumar Geelle.  Dhaqaalihii lagu kicin lahaa ururkaasina waxaa u sii sahlay sadaqadii adduunweynaha ugu tala galay shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida.  Bishii July bilowgeeda ayeey ahayd markii uu Ismaaciil Cumar Geelle u socdaalay Paris, halkaasi oo uu  ka soo helay dhiirrigelin iyo lacag lagu kala furdaamiyo shirweynaha.  Waxaana Cumar Geelle runtii ka soo farxiyey madaxweynaha France, Francois Mitterand, oo gacan furnaatiisa sababtay in Cumar Geelle isagoo si waalan u dhoolla cadeynaya uu ka soo dego madaarka Djibouti ee Ambouli International Airport.

 

Djibouti Conference (July 15-20, 1991)

 

Xuddunta maqaalka oo runtii ah u kuurgelidda waxyaabaha dhacay ama ka soo baxay shirkan ayaa waxaan isku dayi inaan idiin iftiimiyo qeybta libaax ay ka qaadatay SSDF inuu qabsoomo shirkan, oo caqabada farabadan hortaagnaayeen. Tan ugu xoog badanna ay ahayd mid salka ku haysa sharciyeenta go’aamada ka soo bixi kara shirkani.

 

Marka sharci ahaan loo hadlo, sidee baa dowlad ay u dhisi karaan lixda jabhadood ee meeshaas isugu yimid, mar haddii madaxweynihii dalka Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre, uu dalkii (Gedo) joogo, sheeganaya weli  inuu madaxweyne ka yahay dalka?

 

Waxaa xal u helay caqabaddan jabhadda SSDF, iyada oo ay soo jeedisay talada ah in 21-kii sano ee Xukuumadda Siyaad Barre ayba sharcidarro ahayd – maadaama uu inqilaab dalka ku qabsaday!  Sidaa darteed ayeey yiraahdeen, waxaanu keeni shirka ku-simihii madaxweyne, hayeyna jagadaasi shan cisho (October 15-21, 1969).  Waxa uu ahaa ku-simahaasi (constitutional interm president), mudane Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, ahaana Ra’iisal Baarlamaankii 1967-1969.  Wuxuuna ku soo fadhiistay shirkaasi sida in uu yahay madaxweynaha sharciga ee dalka; sidaasna Siyaad Barre looga maarmay.  Ahmiyadda ay lahayd shirkaasi darteed, waxaa xitaa kursigii shir-guddoonka (chairman) lagu soo fadhiisiyey madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya, mudane Aden Cabdulle Cusmaan. oo runtii markaa xanuunsanaa.

 

Marti sharaf aan innaba caadi ahayn ayaa ka soo qeyb gashay shirkaasi.  Magaalada Djibouti hotel-ladii qol ka bannaanaa ma jirin, meel xitaa ay weriyayaashii seexdaan ayaa la waayey.  Kenya waxa ka yimid wafdi ka kooban 60, Ugandhana 40.  Lix iyo toban dal oo kalena wafuud ayey soo dirsatay, oo ay ka mid yihiin Yemen, Germany, Ethiopia, France, USA, iyo Soviet Union (USSR).  Hay’adaha Caalamiga oo ay ka mid yihiin: OAU, UN, EU, iyo Arab League intaba xaadir ayeey ku ahaayeen shirkan.  Xitaa safiirka Italy u fadhiyey Soomaaliya (hasa yeeshee markan Nairobi deganaa), Mario Sicca, faraha ayuu kula jiray ka mira dhalinta shirkani.

 

Bal aan yara fiirino shirka sidaa loo buun buuniyey waxa ka soo baxay.  Shirka waxa ugu horreyntii laga mamnuucay in ay waaxyaha ama beelaha ay Soomaalida ka kooban tahay oo dhan ay ka soo qeyb galaan.  Tusaale ahaan, waxa madasha shirka laga celiyey odoyaal ka socday beesha Mareexaan, Warsangeli, iyo Dhulbahante, oo markaasi lagu sifeeyey waxay ugu yeereen “haraagii Siyaad Barre”.  Dhinacyadii la heshiisiinayey oo dhan waxa isugu soo dhurteen lix jabhadood (USC, SSDF, SPM, SDM, USF, SDA), oo ay ku jirto jabhaddii Cumar Geelle!

 

Markii gorgortan iyo awood-qeybsiga siyaasadeed loo guda galay, waxaaa durbadiiba is-gaashaan-buursaday afarta jabhadood ee kale ah USC (Hawiye), SDM (Digil Mirifle), SDA (Samaroon), iyo USF (Ciise); taasoo qasab ka dhigtay in labada jabhadood ee siyaasad ahaan aan la istusin, SSDF iyo SPM, ay Daaroodnimo ku xulufoobaan.  Maadaama shaxda miiska la soo dhigay ay noqotay 4 vs 2, waxaa meeshaasi si sahlan u qaatay jagada madaxweynanimo Cali Mahdi Maxamaed (USC).

 

SSDF meeshaa kuma harin e, waxay haddana xusul-duub u gashay sidii ay ku hanan lahayd jagada labaad ee ahaa ra’iisal wasaare; iyo sidii ay u soo xero gashan lahaayeen wasaaradaha muhiimka ah ee ku soo aada beesha Daaroodka.

 

Cali Mahdi oo hantay jagadii madaxweyne waxa uu durbadiiba caddeeyey in Cumar Carte Qaalib, kana soo jeeda beesha Dir, Isaaq, uu u noqon doono Ra’iisal Wasaare.  Waxaa halkaasi cirka isku shareeray hammigii laga lahaa in nabadi ay ka aslaxanto koonfurta Soomaaliya.  Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Mario Sicca, ayaa qaaday olole aad u weyn oo uu ku doonayey in nin ka soo jeeda beesha Majeerteen (SSDF) laga dhigo Ra’iisal Wasaaraha dalka.  Isaga oo ku doodayey in jabhadda SNM oo runtii masasha beesha Isaaq aanan shirkaasi joogin.  Nasiib darro se Cali Mahdi iyo dowladda Djiboutiba dhag jalaq uma siin cudurdaarka ay la yimaadeen Safiirka iyo SSDF.

 

Arrintu kud ka guur oo qanjo u guur ayey noqotay markii loo guda galay qeybsiga Golaha Wasiirada.  Waxaa markiiba miiska la soo dhigay 33 wasaaradood oo loo arkay markaa kuwa culus oo aad u muuhiimsan, loona qeybsado si waafaqsan dheelitir-qabiil (clan-balance). Wixii la is jiid jiidaba, illeen waa meel is-xulufeysi aan isla ekeen ay joogaan e, waxaa mar kale gacan sarreeyey USC iyo xulufadeeda.  Waloow guud ahaan in ku dhawaad ah 80 wasaaradood la qeybsaday, aan yara fiirinno, shaxda 33-da wasaaradood ee muhiimka ahaa sida loo qeybsaday :

 

Beelaha

 Tirada Wasaaradaha

Hawiye

13

Daarood

8

Digil Mirifle

6

Isaaq

4

Samaroon

1

Ciise

1

Tirada Guud

33

 

Markii Daaroodkii kale ay wareysteen SSDF waxa ku kallifaya in ay awood-qeybsiga noocaas ay aqbalaan, waxay marmarsiiyo ka dhigteen in dowladdan ay ku meel gaar tahay (labo sano), laakiin ay guulo ka soo hoyeen qeybo kale oo ay ka mid yihiin in shirka isku waafaqay, ayeey yiraahdeen, in dalka lagu dhaqo nidaamka dastuuriga ah ee jiray 1961-1969; iyo weliba in xildhibaanada ay noqonayaan tirade tii 1960s, oo ahayd 123 xildibaan ( 82 koonfur ah iyo 41 waqooyi ah ).  Markii intaa ay ku wargeliyeen beeshii Daarood, ayeey SSDF ugu qeybisay 8-dii wasaaradood, oo ay mooday inay si tacab ah ku soo dhicisay, sidan hoose:

 

Daarood Tirada Wasaaradaha
Majeerteen 4
Ogaden 2
Dhulbahante 1
Warsangeli 1
Tirada Guud 8

 

Sida ku cad shaxda kore, waxaa cadkii Daarood 50% qaatay Majeerteen.  Bal aan yara fiirinno magacyada Golaha Wasiirrada  iyo Wasaaradaha ay sheegteen in ay xil ka hayeen (adinka oo aan qoslin!) ee sannadkii 1991.

 

Interim President...........................Cali Mahdi Maxamed

(Appointed January 29, 1991, sworn in August 18, 1991)

 

INTERIM GOVERNMENT (Formed October 02, 1991)

Interim Prime Minister......................Cumar Carte Qaalib

 

MINISTERS:

Agriculture..............................Maxamed Sheekh Guuleed

Air and Land Transport......................Cabdi Xasan Cawaale

Animal Husbandry and Range..................Saalim Caliyow Ibrow

Arab and African Cooperation................Xuseen Mahdi Cameey

Commerce................................Maxamed Jaamac Afballaar

Constitution and Unity........................Cabdi Muse Mayow

Defence......................................Musa Islaan Faarax

Education..............................Ibraahin Sheekh Maxamed

Finance........................................Cilmi Faarax Nur

Fisheries.................................Cusmaan Maxamed Faarax

Foreign Affairs............................. Maxamed Cali Xaamud

General Administration...................Xuseen Ceelaabe Faahiye

Government and Parliamentary Relations...Maxamed Salaad Axmed

Health......................................Cabdi Caydiid Xiirey

Higher Education and Research...................Maxamed Axmed

Industry...................................Cabdiraxmaan Ducaale

Information..............................Xuseen Sheekh Axmed

Interior................................Maxamed Qanyare Afrax

Juba Valley Development.................Maxamed Sheekh Xasan

Justice............................................Muumin Cumar

Labour and Social Affairs................Maxamed Xuseen Caddow

Logistics..................................Maxamed Cali Caliyow

Mineral and Water Resources.............Cabdiraxmaan Cusmaan Raage

Marine Transport and Ports..................Maxamed Nur Iley

Petroleum and Electricity...................Bashiir Cali Salaad (Bashiir Bililiqo)

Planning..................................Maxamed Qodax Barre

Post and Telecommunications............Cabdulqaadir Sheekh Cilmi

Public Works and Housing...................Cabdi Cabdulle Boqor (Jini Boqor)

Rehabilitation and Settlement............Maxamed Ibrahim Cigaal

Religious Affairs..............................Cali Nur Sheekh

Rural Development..............................Ismaaciil  Bullaale

Tourism and Wildlife......................Maxamed Cabdi Xasan

Youth and Sports........................Maxamed Xasan Dawaare

 

Minister of State

In the Presidency............Cawad Xaaji Yusuf

In the Prime Minister's Office...................Cabdiraxmaan Cilmi Cigaal

 

Agriculture .........................Cabdullaahi Sheekh Cali

Arab and African Cooperation......................Xuseen Sayid Awoun

Education.............................Cabdi Khalid Sheekh Xasan

Finance and Treasury…….. Maxamed Qasim

Foreign Affairs………………Cabdullahi Sheekh Ismaaciil

Health…………………………Nur Cilmi Cusmaan

Interior………………………..Axmed Xaashi Maxamed

Justice………………………..Cabdullaahi Xaaji Cabdiraxmaan

Land and Air Transport…….Cali Aden Xuseen (Cali Margous)

Planning……………………….Waceys

Rehabilitation and Settlement……Cabdulqaadir Cabdi Maxamed

Supply and Logistics……………….Shariif Zen Abu Imankiyow

Governor, Central Bank…………….Cali Cabdi Camalow

 

Jabhadda SSDF oo runtii ahayd midda ugu da’da weyne kooxaha Soomaaliyeed ee qoriga u qaatay inay la dagaalamaan Xukuumadda Siyaad Barre, waxay sannadkii 1991 kala kulmeen shirkani waa arrin cashar u noqon kartay, hadday baraan dhashoodii iyo taageerayaashoodiiba.  Waxaan maqli jiray Baahiyi waxay kuu geysaa nin kuu daran e, runtii casharka Djbouti lagu soo siiyey 1991 kama aysan faa’iideysan.  Shirkan Djibouti 1991, waxaa saxiixayaashoodii oo dhan (lixda jabhadood) la geeyey Mecca si loogu soo dhaariyo inay ka daacad yihiin heshiiskaasi.  Magacyada saxiixay shirka Djibouti waa kuwan:

 

Jabhadda Saxiixaha Beesha
SSDF/DFSS Muse Islaan Faarax Majeerteen
USC Cumar Xaashi Aden Xawaadle/Hawiye
SDM Cumar (Maalin) Xaamud Digil Mirifle
SPM Cabdi Muse Absame
USF C/raxmaan Ducaale Cali Ciise
SDA Max'ed (Dahir) Faarax Samaroon

 

Duddumo in la dugsado iyo in  la dareensado layskumo helo ayaa horay loo yiri e, madaxweynaha Puntland ee hadda, Cabdiraxmaan Faroole, markii uu ku dhawaaqay inuu u taagan yahay musharraxnimada Puntland (August 2008) waxa uu resume-giisa (waxtarkiisa taariikheed) hanbaroorin uga dhigay in uu wasiir ka ahaa dowladdii Cali Mahdi ee Djibouti lagu soo dhisay 1991.  [ Akhri Halkan ].

 

Mar haddii Faroole uu ka dhigtay reference (tixraac wax-qabad) dowladdii Djibouti lagu soo dhisay oo aan ognahay waxtarkeedii iyo sad-bursigii USC-da hiil iyo hoo ba Djibouti la garab taagneyd, maxaa ku kalliffay hadda in uu afka furto, kuna doodo in Djibouti wax lagu soo dhoodhoobayo ay tahay “irirism”? Qaylo dhaanta ka soo yeereysa maanta Garoowe ee ah “Yaa Daaroodeey!” ma xaq baa?  Ma ka run baa Garoowe waawareeydan?  Mise wax kale ayaa ku hoos jirta sawaxankan ka soo yeeraya Garoowe?  Faroolow, sow taad horey u yeeshay, Waawareydu Waa Maxay?  Horaa reer Xamarku ugu maahmaaheen Haddii Qaylo Wax Dhisayso, Dameerka Qayladiisaa Daaro Noo Dhisi Lahayd. Saa darteed aan uga haro falanqeyntan qeylo dhaanta ka soo yeereysa Garoowe in ay la mid tahay tuutihii Cadde Muse uu gashtay dhammaadkii 2007, markii isaga oo cabaadaya uu wacad ku maray in uu Laascaanood muddo bil gudaheeda uu gacanta ku dhigi doono!

 

Xirsi Barkhad (Barkhad Dhagaweyne)

goorsansheeg@gmail.com

 

 

 

 

Cadde Muse oo Dhaarsan kuna dhaartay in Laascaanood uu tagi doono --- abootooy!

 

  Mudane Faroole oo isna sidii Cadde ku dhaartay in Dhulka ka maqan iyo awood-qeybsiga koonfur kaga maqan soo celin doono - abootooy kanna shartiis na mooti!!

 

Djibouti

 

Ismaaciil Cumar Geelle. April 12, 1998.

 

 

 

                                              Roobdoon Forum            Back to Main Page