BiyoKulule Online  Bosaso,  Somalia                       

Contact@biyokulule.com
 

                    -----Taariikh Nololeedkii Saciid Cadduur.-----

Allaha u naxariistee Wasiirkii Maaliyadda Punt Land, Marxuum Siciid Maxamed Maxamuud oo lagu naanaysi jiray (Siciid Caduur) oo saaka ku geeriyooday Isbitaalka Boosaaso ayaa lagu aasay isla Saaka Qabuuraha Biyo Kulule ee Magaaladda Boosaaso.


Aaska marxuumka waxa ka qayb galay sii hayaha xilka madaxweynaha ahna wasiirka arrimaha diinta iyo Awqaafta ee maamul goboleedka Puntland Barkhad Cali Saalax, wasiirka Dowlahadaha Hoose iyo horumarinta reer Miyiga Cali Cabdi Awaare, wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud Maxamuud Bile Dubbe, issimo, dadweyne aad u farabada oo isugu jiray ehelladiisa iyo dad kale oo marxuumka si wayn aqoon ugu leh iyo madax kale oo aad u farabadan.

Marxuum Siciid Maxamed Maxamuud (Siciid Caduur) wuxuu ku dhashay magaalada Boosaaso sanadkii 1937-kii, hooyadii waxaa la oran jiray Saynab Maxamed.

1953-dii waxaa loo qaatay ciidamadii daraawiishta ee la oran jiray Wiilwaal oo saldhiggoodu ku yaallay magaalada Beledweyne

1960kii wuxuu noqday hogaanka maamulka lacagta ee ciidamada Booliska.

1968-dii wuxuu ka ruqsaystay ciidamadii booliska isagoo isku sharaxay inuu noqdo mudane baarlamaan isagoo iska sharraxay xisbigii la oran jiray Xisbiga Hawliga iyo Hantiwadaagga ee magaalada Boosaaso.

March 1969kii ayuu si rasmi ah uga mid noqday xildhibaannada baarlamaanka

Biishii may isla sanadkaasi waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada.

Isla sanadkaasi markii uu inqilaabku dhacay kama uusan mid noqon wasiirradii la xiray.

Sanad ka dib 1970-kii waxaa loo magacaabay agaasimaha madbacadda gobollada waqooyi galbeed.

1975-tii waxaa loo magacaabay agaasimaha waaxda ganacsiga ee madbacadda qaranka ee xamar.

1978-dii waxaa loo magacaabay ku xigeenka maareeyaha madbacadda qaranka ilaa iyo burburkii dhacay ayuu xilkaasi hayay isagoo welibana ahaa agaasimihii waaxda ganacsiga.

1991-dii -1992-dii markii ay burburtay dowladdii dhexe wuxuuka mid noqday guddiyadii ururka SSDF-ta ee gobolka Bari.

Wuxuu ka mid ahaa dadkii markii C/laahi Yuusuf raacsanaa xiligii uu gudoomiyaha SSDF ahaa ayna isu raaceen magaalada Muqdisho iyo weliba dalka Itoobiya.

1993-dii wuxuu kamid noqday ergadii ka qayb qaadatay shirkii dib u heshiisiinta Mudug.
1994-tii wuxuu ka qayb galay shirkii sodera ee lagu midaynayey garabyada SSDF
1996-dii golihii dhexe ee SSDF isagoo gudoomiye ka ahaa golihii hanti dhowrka ee SSDF.wuxuuna noqday Guddoomiyaha Hanti dhowrka SSDF

1998-dii wuxuu ka mid noqday aas aasayaashii dhismaha dowlad goboleedka Puntland, xilkii ugu horreeyay ee loo magacaabay wuxuu ahaa wasiirka maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland wuxuuna xilkaasi hayay ilaa bishii June 2003-dii.

 2003-dii waxaa loo dhiibay xilka wasaaradda caafimaadka.
2004- Waxaa caafimad loogu qaaday Magaalada Nairobi
2005- Waxaa loo magcaabay la taliyaha Madaxweynaha xagga arrimaha dhaqalaha

Mudooyinkii ugu dambeeyay marxuum Siciid Maxamed Maxamuud Siciid Caduur xaaladiisii caafimaad waxay ahayd mid aad u liidatay. Wuxuuna dhowr jeer uu safar caafimaad u tegay magaalada Nairobi.

Marxuumka wuxuu lahaa hal xaas oo lagu magacaabo Cibaado Dhaadey Magan, wax caruur ahna ifka uguma tegin.
Waxaan u rajaynaynaa in allaah jannadii geeyo eheladiisii iyo umadda somaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

 



Allaah ha u naxariisto Saciid Maxamed Maxmuud (Saciid Cadduur).

Waxaa isku soo dubbariday
Mohamuud Bile Dubbe
tell-002525-796434
Bosaso Somalia


Biyo Kulule

BosasoCity
Togga Laag

Buurgaaban 

 Maydi

Geed Xiji 
President AbdillahiYusuf

           
Prime Minister Dr. Ali  Geddi
MohmoodGaidon  

 

 

 

      
    

 

 

 

Sakariya   Mohamed