|
Degmooyinka Sida aadka u Horumaray deegaannada Puntland waxa ka mid ah Degmada Waaciye oo magalada Bosaso u jirta 170 Kiiloomitir Sida aynu wada ogsoonahay Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala gadisan kuwaasoo intooda badan colaad iyo isqabqabsi qabiil ubadnaa. Inta badan Soomaaliyaa waxaa lagu tiriyaa dunida meesha ugu liidata hadeey noqoto dhanka horumarka, nolosha, iyo adeegyada kaleba. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa muddo 18 sano ah ahayd meel dawlad la`aan ah oo aan ka jirin wax kala dambayn ah, taasoo sababtay barakac iyo fakhri sameeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Haddaba waxaa jira dhul yar oo ka badbaaday colaadda iyo barakaca. Dhulkaasi intiisa badana waxaa ka taliya Maamul-goboleedka Puntland. Marka Puntland ayaa noqotay meel ay isugu yimaadaan dad farabadan oo ka kala yimid dhamman goboladda dalka Soomaaliyeed, iyadoo la soo biday nabad xoogaaya oo ay sababeen qabaa`ilka iyagu dagaankan ku nool, taasoo ah mid Ilaahay loogu xamdi naqo. Haddeeynu xoogaa wax ka yara taabanno hab-nolodeedka Puntland, waxaa xaqiiq ah inaad si sahlan u arkeysid in deegannada Puntland ay yihiin kuwa ku dhisan qabiil-qabiil. Waxaad arkaysaa qabiil kasta inuu mandiqad (deegaan ama degmooyin) u gaar ah uu deggan yahay; iyadoo ay jiraan mandiqado Federal ah, ama la is dhex daggan yahay. Aaalaaba waxaa dhacda in reer kasta uu ayeeda ka taliyo deegaanada uu u badan yahay ama uu xitaa taariikh ahaan aasaasay. Nidaamkan ayaa keentay faa`iido iyo ilaalin la ilaaliyo goobaha bulshada iyo adeegyada Caamka ah ee ka dhexeeya ummadda markaas ku dhaqan degmadaasi. Haddaba degmada Waaciye ayaa ah degmooyinka ugu faca wayn deegannada Puntland iyadoo hadda u muuqata inay tahay degmooyinka ugu caansan deegannada Puntland. Mar aan booqannay degmada ayaan waxan halkaas ku soo aragnay horumar aad u ballaaran. Waxaan meelaha aan booqannay ka mid ahayd goobaha caafimaadka. Waxaan soo aragnay oo aan uu kuur galnay daryeel/Isbitaal (Hospital) halkaasi laga dhisay. Hospital-kaasi oo aad u weyn lehna qaybo kala duwan, bilicdiisuna ay aad kuu soo jiidanayso. Mar aan wax ka waydiinay Maamulka degmada, waxay noo sheegeen inay sugayaan dhammeystirka qalabkii Hospital-ka oo kaliya, ayna diyaar u yihiin ina ay hawsha daryeelka dadka ay bilaabi doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Meelaha aan soo indho-indheynay waxaa kaloo ka mid ahaa saldhigga degmada Waaciye oo isagu in muddo ahaba shaqeynayey. Waxaan halkaasi aan ugu tagnay Ciidankii ammaanka Degmada sugayey iyo taliyahoodii. Waxayna noo shegeen inay waajibkooda u gudanayaan si daacadnimo iyo wadaninimo ku jirto. Degmada waxaa kaloo hadda loo dhammeeyay Ceelkii weynaa ee biyaha ahaa. Ceelkan oo noqday ceelka ugu biyo Badan deegaannada Puntland, uguna biyo macaan. Sidaas darteed, hadda degmada Waaciye waxaa si wayn uga socda dhismayaasha guryaha iyo iibka dhulka. Marka aad waydiiso dadka deegaanka waxa xilligan sida aadka u qaaliyeeyay dhulka, waxay kuu sheegayaan inay dad badan oo Soomaaliya ay doonayaan inay guri ka gataan degmada ama dhul bannaan; iyagoo danaynaya biyaha macaan iyo horumarka badan ay ku talaabsatay Degmada Waaciye sanooyinkan dambe. Korontada iyo talefoonka ayaa ah ku iyaguna in muddo ahba shaqeeya, adeegooduna aad loo ammaanayo. Haddaba waxaan Axmed Yaasiin Saalax Deegaanadda kale ee Horumarka laga wado
|
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|