BiyoKulule online  Bosaso, Puntland, Somalia                       
[email protected]

        Buur-gaaban

   Bosaso City

Xaaji Xuseen Gacayte iyo
shirkii Nabadaynta Puntland

 Sakariya Mohamed
 Sabra A/fataah Ahmed

    

Wasiirka Koowaad Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Wafdi Balaaran oo Uu Hogaaminayo Oo Caawa Fiidkii kasoo Degay Garoonka Diyaaradaha Jowhar.

 

Jowhar.

Waxaa magaalada Jowhar caawa fiidkii soo gaaray raysul wasaaraha Dawlada kmg ah ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo.

 

Wafdiga Raysul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa K/xigeenka gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, wasiirka arimaha dibada Prof. Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil, wasiirka Wasaarada Maaliyada Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Xildhibaan Cabdulaahi Macallin Xaaf, Xildhibaan Drs Qamar Aadan Cali, Xil. Cali Baashi iyo xildhibaano kale oo aanan iisuura Gallin inaan wada arko maadaama ay habeen noqotay marka laysku daro hamaantood  waxa ay gaarayeen ilaa 10 xildhibaan, iyadoo la sheegay in diyaarad kale oo la socotay ay baaqatay oo ay la socdeen xildhibaano kale.

 

Waxaa hadaba halkaasi kusoo dhaweeyey labada gole ee dowlada iyo gudoomiyaha G/Sh/Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.

 

Raysul wasaaraha ayaanan wax war ah siinin saxaafada iyadoo ay kasoo daaheen xiligii loogu talo galay inay soo dagaan iyadoo lagu macneeyey in dib udhacooda ahaa Airaboorka magaalada Nayroobi oo diyaaradii labaad ee soo raaci rabtay oo ku halaawday halkaasi.

 

Raysul wasaaraha ayaa laba isbuucba ku sugnaa magaalada Nayroobi isagoo horey u codsaday in maraakiib ilaalo ah loo soo diro xeebaha Somalia.

 

Prof. Geedi ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda warbixin siiyo saxaafada iyo golihiisa wasiirada.  

 

Mohamed Abdulle Hassan (Siidi-Jowhar)
Tel: Mobile: - 00252-1-574868

 


             Biyo Kulule

         Togga Laag

 

         

         Geed Xiji ah(Maydi)


        Geed Xiji ah (Beeyo)


President Abdillahi Yusuf


Prime Minister Dr. Ali  Geddi

   The Yibir Of las Burgabo :
    By Mohmood Gaidon