BiyoKulule Online
Bosaso, Somalia |
|
Qaraal
Kusaabasan Xijiga.
Hordhac
Warbixin
taan waxaan ugu tala galay dhamaan shacabka danay
naya in ay wax ka ogaadaaan xijiga.
Dhulka Soomaalidu degto waxaa loo aqoon jirey magacyo badan oo kale oo kal
duwan, dadka soo booqda ama ganacsi u yimaada ayaa magac ula bixi
jirey waayo ma jirin dhul somaliyeed oo midaysan ama magac ku diwaan gashan.
magacyada loo aqoon jirey waxaa ka mid ahaa Bar'ul cajam. Ardul Xabash,
Dhulkii udugga(Puntland).
Maydi
Haddaba magacaas Dhulkii udugga ama Puntland waxaa bixiyey
Dadkii gancasatada ahaa ee Masar ka imaan jirey kuwaas oo u imaan jirey in
ay Dhulka Soomalidu degto ka qaataan Geedka Udgoonka badan ee Beeyada ama
Maydiga. sida la sheegay Massridu waxa u shidi jireen Ilaahyadooda Beeyada
ama faleenka (maydiga). markaa waxaad arki in ay Masaaridu imaan
jireen ka hor diinta islaamaka oo xiriir Ganacsi ka dhaxeeyey somalida iyo
reer Masar.
Ganacsatad
Carbeed waxay Imaan jireen Inta badan Xeebaha Somalida . Meelaha laga
dhoofin jirey Beeyada waxaa ugu caansabaa Bacaad iyo Buurgaaban oo hilaadda
30 km Bari ka xiga Magaalada Bander-Qaasim.
haddaba waxaa la yaab ah in hadda magaalooyinkaas oo ahaa kuwii ugu
horreeye ee laga asaaso xeebaha badda cas ee Somaliya in ay hadda baaba'een.
Hadaba xijigu waa geed kamid ah dhirt ilaahay dhulka kasoo saaray, waana
geed kamid ah dhirta dheecaanka leh.geed kaasi wuxuu kabaxaa dhulka kulul
iyo kan qabaw Labadaba.
BUURGAABAN
Xijigu wuxuu ka baxaa Buuraha silsiladda Golis gaar ahaan Gobolada Bari iyo
sanaag. wuxuuna si fiican uga baxaa Qaybaha silsiladda Golis ee loo
yaqaanno Calamadow iyo Cal-Miskaad. isagoo aad ugu Badan qaybta Cal miskaad
ee ka bilaabanata Maraje ilaa laga Gaaro Xeebta Caluula. wuxuu ku teedsan
yahay meelahaas gubanta ah oo inta badan badda ku sii jeeda. ********.
Xijigu
waa geed ilaahay ugu nimceeyey dadka soomaalida
ah ee Saboolka ah,waxuu ku leeyahay Tariikhda soomaalida qayb weyn waana
geedka lagu soo dhaafay wakhtiyadii adkaa oo dhan.
Xijiga marka lasoo guro waxaa lakeeni jiray magaa looyinka waxaana loo
dhoofin jiray dalka carabta, markaa waxaa lagu soo bedelan jiray Raashin,
Bagaash iyo wixii nolosha bini aadamku u baahan tahay,…….
.
Qaybaha Xijiga.
Xijigu wuxuu u kala baxaa laba qaybood Beeyo iyo Maydi,waana laba
geed oo ku kala duwan wax yaalo badan sida meesha ay
kabaxaan,dheecaanka(caanaha) iwm.
Waxaan u sharaxaynaa labada qaybood midba gaarkii inaga oo caddaynayna
astaamaha iyo qaabab ka ay ku kala gedesan yihiiin. Waxaan soo qaadanay naa
marka hore Beeyada.
Beeyo
• Beeyadu
waa geed kabaxa meelaha banaanista ah,
waxay leedahay jirid buuran oo ay ka buuxdo dheceen
(caano). Beeyada marka la soo jillabo(soo guro)
waxaa lakeenaa magaa looynka, waxaana lookala
saaraa afar (4) qaybood oo ah siddan.
1.
Casaan: oo ah miro gud guduudan.
2. Caddaan: oo ah miro cad cad
3. Qolof: oo ah jilifta geedka
4. Shooto: oo ah haska iyo jajabka ka dhaca iyada.
Beeyo
Maydigu
waa geed kaddu wan kii hore wuxuu
kabaxaa
dhadhaabaha waana geed dheecaan badan leh waana ka qaali san yahay kaga
qiimayntalacagta wxuuu leeyahay Calaal Balaaran oo uu ku qabsado
dhadhaabta, malaha xididdo dhulak ug aasan. calaacashaas ayuu dhadhaabta ku
qabsadaa. wuxuuna ka baxaa meelo halis ah haddii ruuxa gurayaa uu kasoo
dhaco uu naftiisa halis u yahay.
Waxaa looo kala saaraa marka lasoo jadro(lasoo guro) dhawr qaybood oo ah
sedan.
• Mushaad: waa xabag dhaadheer
• Mujarwal: waa iniini cad cad
• Jibaan jib: waa xabag mad madaw
• Shooto: waa haska kadaata oo ah niis oo kale.
• Qolof : oo ah jilifta geedka.
3. Qalabka xijiga loo adeeg sado
Maydi
• Mingaaf
:- oo ah qoray yar oo ay labada madax kaga jiraan laba birood oo wax
sara oo loogu talagalay mid kamid ah in geedka lagu sarco (calaamadiyo)
midna dhadhaabaha looga fujisto xabagta.
•
Dhuraad:- oo ah weel godan oo lagu gurto miraha marka geedku miro dhalo,
wuxuuna kasamay san yahay caw.
•
Kolay:-waa weel godan waxaan lagu shubaa miraha marka geedku uu joogo
xiliga uu ugu miro badan yahay, waxaana uu kasamay san yahay caw laba xarig
oo sidde ahna waa leeyahay
Shooto Qolof
Biyo Kulule
Online
Siciid Bile Qallad
|